Home › Groups › MM Somali TV
MM Somali TV Telegram
Telegram Channel Link

MM Somali TV Telegram Channel Link

★★★★★ 0.0 (0 ratings)
👁 3 views ↗ 0 joins
🇸🇴 Somalia 🌐 English # General
About this telegram channel link
Maan Media (MMTV) is a media business owned, non-partisan and non-governmental organization
Telegram Channel

Latest public posts from this Telegram channel.

717 subscribers
28 Feb 2026 latest post
Click to fetch the latest posts directly from Telegram.
Wasiir Abbas Araghchi ayaa sheegay in inta badan madaxda dalku ay badqabaan, inkastoo laga yaabo inay waayeen hal ama laba taliye, taas oo uusan u arkin dhibaato weyn. Wuxuu ku dooday in weerarrada ay ku qaadayaan saldhigyada Maraykanka ay yihiin is-difaac, isagoo su'aal ka keenay sababta Maraykanku wadahadallada u furaan ka dibna ay weerar u bilaabaan iyadoo lagu guda jiro. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in laga yaabo in dhinacyo kale ay Maraykanka u horseedeen dagaalkan si ay u fushadaan danta ay iyagu leeyihiin.
​Sida ay baahisay CNN, Maraykanku wuxuu qorsheeyay weeraro is-daba-joog ah oo socon doona min hal ilaa laba maalmood, iyadoo inta u dhaxaysa la hakinayo si loo qiimeeyo khasaaraha. Markii ugu horreysay, ciidanka Maraykanku waxay dagaalkan ku adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan "one-way attack drones" (kamikaze drones). ​​
Jarmalka, Faransiiska, iyo Boqortooyada Midowday (UK) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay weerarada gantaal ee dalka !RaN uu ku qaaday dalalka gobolka, kuwaas oo ahaa jawaabta weeraradii Maraykanka iyo !Zraa’!!l. Saddexdan dal ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu soo laabto miiska wadahadalka si loo qaboojiyo xiisadda sii kordhaysa ee khatarta ku ah amniga caalamka.
Wararkii ugu dambeeyey ee !RaN.Dawladaha !Zraa’!!l iyo Maraykanka ayaa qaaday weerar wadajir ah oo ay ku beegsadeen ilaa 30 goobood oo ku yaalla gudaha dalka !RaN, kuwaas oo ay ku jiraan xarunta madaxtooyada, xarunta sirdoonka, wasaaradda gaashaandhigga iyo xafiiska hoggaamiyaha sare Cali Khamenei. Sida ay sheegayaan wararku, Cali Khamenei ayaa loola cararay goob amaan ah ka dib markii uu weerarku bilaabmay.Ra'iisul wasaaraha !Zraa’!!l Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay hawlgalka Cidda Libaaxa (Roaring Lion), isagoo sheegay inay dalka geliyeen xaalad degdeg ah, waxaana la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii shaqo iyo waxbarasho marka laga reebo adeegyada muhiimka ah. Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballan-qaaday in la burburin doono dhammaan wershadaha gantaallada ee dalka !RaN.Dalka !RaN ayaa isna dhankiisa kaga jawaabay weerar gantaallo ah oo kor u dhaafaya 30 kuwa riddada dheer ah oo uu ku riday dhanka !Zraa’!!l, iyadoo uuro iyo qiiq lagu arkay nawaaxiga Tel Aviv. Masuuliyiin ka tirsan !Zraa’!!l ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan afar maalmood oo weeraro is-daba-joog ah, iyagoo xusay in dalka !RaN aanu sidii hore ahaan doonin marka uu hawlgalkani dhammaado.
Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Asif, ayaa sheegay in awoodaha nukliyeerka Pakistan lagu dari doono heshiiska cusub ee difaaca wadajirka ah ee Pakistan iyo Sacuudiga.Asif: Wax kasta oo aan haysanno, awooddeena, waa diyaar in loo adeegsanayo heshiiskan.Tani waxay fariin u diraysaa quwadaha gobolka in Sacuudigu uu heli karo dammaanad difaac oo nukliyeer ah oo Pakistan ka timaadda.-
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Aqlabiyad Ku Taageeray Xalka Laba-Dal iyo Dowlad F*lastn ah oo Madax-Bannaan.Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku taageeray qaraar ku saabsan xalka laba dawladood, kaas oo ku baaqaya xal laba-dal iyo dhismaha dowlad ay yeelato F*lasni ah oo madax-bannaan.Qaraarkan waxaa codeeyey 164 wadan:• 142 dal ayaa taageeray qaraarka.• 12 dal ayaa ka aamusey.• 10 dal ayaa diiday, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Mareykanka, Israel, Hungary, Argentina, Czechia, Papua New Guinea, Micronesia, Nauru, Palau iyo Uruguay.
Koox budhcadda internet-ka ah oo u dhashay Turkiga ayaa ku guulaystay inay shaaciyaan lambarka gaarka ah ee Wasiirka Difaaca Israa’iil, Katz. Waxaa xitaa la sheegay in ay awoodeen inay hab video call kala hadlaan.
Trump ayaa mar madaxweyne ku saxeexay in Wasaarada difaaca Maraykanka loo badalo Wasaarada dagaalka.
Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa ammaanay taleefoon uu hadiyad ahaan u siiyey Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, isaga oo ku tilmaamay mid ay adagtahay in uu Maraykanku jabsado.Hadalka Maduro ayaa ku soo aaday iyada oo Maraykanka iyo Yurub ay sare u qaadeen cadaadiska iyo xannibaadaha ka dhanka ah shirkadda tiknoolajiyada Shiinaha ee Huawei.
Belgium ayaa shaacisay in ay bishan gudahooda si rasmi ah u aqoonsan doonto dawladda Falastiin.Sidoo kale, Brussels waxay sheegtay in ay Israa’iil ku soo rogi doontaa 12 cunaqabateyn.Wasiirka Arrimaha Dibadda Belgium, Maxime Prevot, ayaa xusay in aqoonsiga Falastiin uu ku xidhnaan doono laba qodob oo muhiim ah: in dhammaan maxaabiista la sii daayo iyo in Xamaas aysan sii maamulin Falastiin.
Sida ay ku waramayso warbaahinta Haaretz, Saraakiisha difaaca Israa’iil ayaa u sheegay Netanyahu in qabsashada magaalada Gaza aysan keeni doonin guul laga gaadho Xamaas, balse waxa ay ku taliyeen in la qaato heshiis xaddidan oo maxaabiista lagu soo furdaaminaayo.Waxay ka digeen in duulaanku uu socon karo muddo hal sanno ah, kaas oo sababi karana khasaare naf badan maalba leh iyo in sumcadda Israa’iil fhulka sii gasho.Xubno ka tirsan xisbiga Likud xitaa waxay Gaza ku tilmaameen in ay noqon karto “Vietnaam-ta Israa’iil.”
Mareykanka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in la joojiyay bixinta dhammaan fiisayaasha shaqada ee darawallada gaadiidka xamuulka.Go’aankan ayaa waxaa ku dhawaaqay Xoghayaha Marco Rubio, kaas oo sheegay in talaabadu ay tahay mid lagu difaacayo darawalada Maraykanka isla markaana lagaga hortagayo khatarta amni ee ka imaan karta darawalada ajaaniibta ah.Rubio ayaa tilmaamay in tirada sii kordheysa ee darawallada shisheeye ee kaxeeya gaadiidka waaweyn ee gudaha Mareykanka ay khatar ku tahay nolosha shacabka Maraykanka, isla markaana ay dhaawac ku tahay nolol-maalmeedka iyo shaqooyinka darawallada gudaha.
Zelensky ayaa muujiyey in Ukraine laga yaabo inay ogolaato in Ruushka loo daayo dhulka uu hadda haysto ee Luhansk, Donetsk, Zaporizhzhia, Kherson, iyo Crimea. Soo jeedintan ayaa bug dhig u noqonaysa xariiqda dagaalka ee meesha ay hadda kala joogaan labada ciidan.
Anadolu Agency ayaa ku warrantay in tirada wariyeyaasha ku dhintay Gaza tan iyo dabayaaqadii 2023, ay gaadhay 237 wariyr, ka dib markii weerar cirka ah oo Israa’iil fulisay lagu dilay shan wariye, oo ay ku jiraan Anas al-Sharif iyo Mohamed Qraiqea.
Wariyaha Al Jazeera ee Gaza, Anas al-Sharif, uu ku dhintay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen teendho ay saxaafaddu ku sugnaayeen gudaha isbitaalka Shifa ee magaalada Gaza.Sidoo kale, waxaa weerarka cirka ku dhintay wariye kale oo lagu magacaabay Mohammed Qreiqa. Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrantay in labadan wariye ay ka mid ahaayeen koox saxafiyiin ah oo goobta ku sugnaa si ay u tebiyayaan xaaladda ka taagan magaalada.
Telegram Channel Link information
Category General
Country 🇸🇴 Somalia
Language English
Type Telegram Channel Link
Subscribers 717
Rate this group

How would you rate this community?

0.0 ★ Join Group →