Telegram
Telegram Channel Link
Bitcoin News, Somali Telegram Channel Link
👁
2
views
↗
0
joins
About this telegram channel link
Channel-kan Bitcoin News Somali, waa goob aad ka daalacan karto xogaha lacagta Bitcoin, iyo wixii kale ee la xiriira. Soo dhowow. Mahadsanid.
Telegram Channel
Latest public posts from this Telegram channel.
564
subscribers
01 Aug 2024
latest post
Tartankii dowladdaha ee Bitcoin oo bilowdey |Soomaaliya ma ka qeyb gali kartaa?
Bitcoin iyo Coinanka kale maxay ku kala duwan yihiin?! Halkan ka daawo xog badan. Mahadsanidiin.
Bitcoin ma xalaal baa? Lacagaha Doollar-ka, Pound-ka, Euro-da, xalaalnimadooda? Wareysi lala yeeshay dad culimo ah, dhaqaalahana aqoon fiican u leh.Daawasho wacan!
Sida loo helo coin ama kiribto (cryptocurrency) fiican oo lacag laga sameyn karo?! Daawo muuqaalkan.F.G: Xogta muuqaalka ma ahan hadda, waa wakhti hore. Mahadsanidiin.
Bitcoin ayaa noqotay shayga ugu qiimaha badan ee la maalgashtay laga bilaabo Agoos 2020 illaa iyo hadda. Waxa ayna ka sara martay isku darka dahabka iyo qalinka. Taas oo muujineysa kalsoonida badan ee ay dadku ku qabaan in lacagta Bitcoin ay u galeyso booska keydka hantida iyo ka madaxbannaanida qiima dhaca lacagaha (Fietka)-ka loo yaqaan, sida; Doollarka iyo Yuurada.
Bitcoin waxa ay u muuqataa in ay ka baxday aag adag oo resistance ah, ayna u jihaysatay dhaqaaq dheer oo illaa 70K ah. Waxaa la filayaa dhowaanahan in la arki doono Bitcoin oo cirkaas gashay iyo safarkii bull runka ah oo si dhab ah u bilowday. Isha ku hay halkan, si aad u hesho xog sugan oo ku saabsan lacagta Bitcoin. Mahadsanidiin.
Maxay Bitcoin u tahay lacagta ugu fiican ee aynnu haysanno?!Bitcoin waxay kulan satey astaamaha ay lacagta ugu fiican. Waxaa ka mid ah: 1) Lacagtu waa in ay tahay mid soo saarkeedu adag yahay, oo xadidan sida Bitcoin oo ah 21 million oo kaliya. Bitcoin halka xabo ugu danbeysa waxaa la soo saari doonaa 2140. Inta ka horeysana maalintii inta suuqa soo galeysa waa la ogyahay. 2) Lacagtu waa in ay tahay mid dadka u dhaxaysa sida Bitcoin oo ah mid si cadaalad ah suuqa ku soo gashay oo maalintii ugu horey adoo Somalia jooga ayaa awood u lahaa in aad ka qeyb noqoto. Halka lacagaha kale ama kiribtooyinka (cryptocurrency) kale aadan u dhawaan karin. Kulligeed qof ama dhowr qof ayaa qol isku xiray oo hadana qoondo badan meel sii dhigtey inta aysan ba imaan suuqa. 3) Lacagtu waa in ay tahay mid ka madax banaan qof ama koox. Bitcoin oo ka madaxbannaan qof ama koox, dowlad ama dowlado aysan maamulin ee qof walba wax ka maamulo. Haddii Bitcoin yeelan lahayd maamul (Admin, CEO etc) waxaa sahlanaan lahayd in wax laga baddalo ama lagu kordhiyo si fudud.4) Lacagtu waa in ay noqotaa mid si sahlan oo dhaqso badan ugu kala gudbi karta xuduudaha (boarder less) ayadoo cidna joojin karin ama dowladdi hakin karin. Halka dahabka uu adag yahay in si fudud loo kala gudbiyo qaaradaha oo la qaban karo qofkii wata. Lacagtu waa in noqotaa mid la sii jajabin karo (divisible) oo hadana ah mid isku eg (fungible).Haddaba, intaas iyo in ka badan oo xog ah waxa aan ku soo gudbin doonnaa channelkan si Free ah. Haddaba rukumo oo la soco, xog badanna ka daalaco. Soo dhowow.👍
Channel photo updated
Channel photo removed
Channel name was changed to «Bitcoin News, Somali»
Channel created
Telegram Channel Link information